WAR CAD: Man United Oo Real Madrid U Dirtay Fariin Maldahan Oo Ku Saabsan Mustaqbalka Paul Pogba, Maxaa Soo Kordhay?

Kooxda Man United ayaa dhigeeda Real Madrid Fariin cad uga dirtay xaalada Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo si weyn loola xiriirinayo kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Pogba ayuu shaki weyn ku jiraa mustaqbalkiisa Old Trafford iyada oo si weyn loola xiriirinayo kooxda Real Madrid oo uu Zidane doonayo in uu ku xoojiyo khadka dhexe ee kooxdiisa.

Laakiin Kooxda Man United ayaa maanta soo bandhigtay maaliyadeeda 1-aad ee xilli ciyaareedka dambe waxana ka soo muuqday xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba oo kula jira xiddiga Jesse Lingard.

Ku jirista Paul Pogba ee soo bandhigista maaliyada cusub ee xilli ciyaaareedka dambe ayay cadayn u tahay in uu xiddigu sii joogi doono kooxda Man United xilli ciyaareedka dambe.

Arintan ayaa fariin cad u ah in ayna kooxda Man United wax niyad ah u hayn in ay iska iibiso xiddigeeda ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga.

Pogba Ayaan ku jirin qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkan xilli la sheegayo in uu doonayo in uu isaga tago kooxda sabab la xidhiidha in ayna kooxdu u soo bixin champions League.

Laakiin soo bandhigista maaliyada cusub ee kooxda ayaa si maldahan u sheegay in uu xiddigu sii joogi doono kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*