WAR CUSUB: Barcelona Oo Weeraryahanka Arsenal Ee Alexandre Lacazette Si Lama Filaan Ah Ugu Darsatay Website-keeda, Siday Wax U Dheceen?

Baraha Bulshada ayaa si weyn u qasmay kadib markii ay kooxda Barcelona website-keeda ku dartay weeraryahanka Alexandre Lacazette ee u ciyaara kooxda Arsenal.

Weeraryahanka Gunners ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo qaatay isaga oo kooxdiisa ka caawiyay in ay iska xaadiriso finalka tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Laakiin Alexandre Lacazette ayaa si lama filaan ah u noqday xiddig Barcelona ah isaga oo ka soo muuqday Website-ka kooxda ee qaybta xiddigaha kooxda

Waxa ay noqon doontaa mid lama filaan ah in ay Gunners Barcelona ka iibiso xiddiga xilli ay rajadooda u soo bixista champions League ku xidhan tahay ku guulaysiga tartanka Europa League oo Finalka la ciyaari doono Laba todobaad kadib.

Si kasta ahaatee sheekada ayaan u dhicin sida aad moodayso laakiin kooxda Barcelona ayaa website-keeda ku qorta xiddig kasta oo ay ka hor timid kulamo Rasmi ah iyo waliba saaxiibtinimo.

 Alexandre Lacazette's name has bizarrely appeared on Barcelona's website - but it appears to be a glitch

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.