WARBIXIN: Chelsea Oo Baanka U Jabinaysa Xiddigaha Cavani, Asensio, Zaha & Coutinho Laakiin Hal Shardi Ayaa Ku Xidhan

Kooxda chelsea ayaa si waali ah suuqa u gali doonta hadii dib looga dhigo ganaaxa laga saaray suuqa kala iibsiga xagaaga xilli ay haatanba qirteen in ay waayi doonto adeega xiddiga reer Belguim ee Eden Hazard kaas oo ku sii wajahan Real Madrid.

Chelsea ayaa baanka u jabin doonta waliba kooxda keeni doonta xiddigaha Edinson Cavani, Marco Asensio, Wilfried Zaha & Philippe Coutinho inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga xagaagu.

Laakiin arintaas ayaa dhici karta kaliya hadii ay ka badbaadaan dibna looga dhigo ganaaxa labada suuqa laga saaray kooxda.

Saxafiga BBC-da ee David Ornstein ayaa sheegay in ay kooxda chelsea isku diyaarinayso in ay la soo saxiixato xiddigo waaweyn oo reer yurub ah si ay isugu diyaariso ganaaxa hadii dib looga dhigo.

Chelsea ayaa haatan ka ganaaxan in ay wax saxiix ah samayso tan ilaa xagaaga 2020 kadib markii lagu helay dambi ah in ay la soo saxiixatay xiddigo aan qaan gaadhin.

Laakiin hadii ay ku guulaystaan racfaanka ay dib isaga dhigayaan ganaaxa waliba iska iibiyaan Eden Hazard waxa ay u dhaqaaqi doonaan 4 saxiix oo waaweyn.

David Ornstein oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Waxa ay u baahan yihiin weeraryahan, waxa ay si aad ah ugu baahan yihiin weeraryahan”.

“Hadii laga diido racfaanka waxa ay ku qasbanaan doonaan in ay heshiis cusub ka saxiixdaan Giroud”.

“Waxana ay keeni karaan xiddigaha amaahda uga maqan ee Michy Batshuayi iyo Tammy Abraham”.

“Laakiin hadii ganaaxa laga dul qaado waxa aan ogaaday in ay u dhaqaaqi doonaan xiddigaha Sida Edison Cavani, Marco Asensio, Philippe Coutinho Iyo waliba Wilfried Zaha oo ay u keenayaan badalka Hazard”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*