WARBIXIN: Kadib Markii Ay Salah, Mane Iyo Aubameyang Kala Qaybsadeen Abaalmarinta Gool Dhalinta Horyaalka… Imisa Jeer Oo Hore Ayay Ka Dhacday Taariikhda Premier League.

Waxa si Rasmi ah shalay oo Axad ah u soo dhamaaday horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyada oo ay Man City ku guulaystay horyaalka kadib tartan adag oo ay kala kulantay kooxda Liverpool ilaa maalintii ugu dambaysay.

Xilli ciyaareedkan ayaa la arkay in ay saddex xiddig kkala qaybsadaan abaalmarinta gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ay saddex xiddig isku goolal noqdeen.

Xiddigaha Mohamed Salah, Pierre-Emerick Aubameyang Iyo Sadio Mane ayaa isku goolal nqoday iyaga oo dhamaantood dhaliyay min 22 gol oo horyaalka premier League ah xilli ciyaareedkan.

Horyaalka prmeier League ayaan xiddig laga door bidin xiddig kale hadii ay isku goolal yihiin iyada oo aan sidoo kale la isticmaalin in laga jaro goolsha rikoodhayaasha ama lagu kala doorto caawinta ay sameeyeen sida ay sameeyaan horyaalo badan oo adduunka ah.

Laakiin ma ahan markii ugu horaysay ee horyaalka premier League ay saddex xiddig ku wada guulaystaan kabta dahabka ah ee gool dhalinta horyaalka premier League.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa sanadihii kale ee ay arintaas ka dhacday horyaalka:

1.Xilli ciyaareedkii 1997/1998:

Saddex xiddig ayaa bar-baro ku noqday gool dhalinta premier League markii uu dhamaaday tartanku iyaga oo wada dhaliyay min 18 gool iyada oo ay xiddigaha Chris Sutton (Blackburn Rovers), Dion Dublin (Coventry City) iyo Michael Owen (Liverpool) ku wada guulaysteen abaalmarinta kabta dahabka ah.

2.Xilli Ciyaareedkii 1998/1999:

Xilli ciyaareedkaas ayay sidoo kale saddex xiddig isku goolal noqdeen dhamaadkii xilli ciyaareedkan iyaga oo sidoo kale dhaliyay 18 gool taas oo keentay in ay xiddigaha Michael Owen (Liverpool), Dwight Yorke (Man United) iyo Jimmy Floyd Hasselbaink (Leeds United) ku wada guulaysteen abaalmarinta.

3.Xilli Ciyaareedkii 2010/2011:

Markii ugu dambaysay ee ay laba xiddig iyo wax ka badan abaalmarinta ku wada guulaysteen ayaa ahayd markii ay xiddigaha Carlos Teves (Man City) iyo Dimitar Berbatov (Man United) ay wada dhaliyeen min 20 gool sidaasna loo wada gudoonsiiyay abaalmarinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*