WARBIXIN: Man City Oo 230 Milyan Suuqa Galin Doonta Si Ay Ugu Guulaystaan Champions League & 4 Xiddig Oo Diirada U Saaran

Inkasta oo uu Pep Guardiola ku guulaystay laba premier league oo xiriir ah laakiin wali kumuu guulaysan koobkii loo keenay in uu uu keeno garoonka Ethiad Stadium.

Haatan Man City ayaa tababare Pep Guardiola ku taageeri doonta suuqa kala iibsiga mar kale si uu u dhiso koox xilli ciyaareedka dambe ku guulaysata tartanka champions League.

Sida laga soo xigtay wargayska Daily Mil, Pep Guardiola ayaa la siiyay lacag dhan 230 milyan oo euro si uu suuqa ugala soo saxiixdo xiddigo uu ku xoojiyo kooxda.

Tababaraha ayaa bartilmaameedkan doona 3 boos oo kala ah daafaca, laba khadka dhexe ah iyo hal xiddig oo weerarka ka ciyaara.

Xiddigaha Eliaquim Mangala & Nicolas Otamendi ayaa laga iibin doonaa kooxda si ay boos ugu baneeyaan xiddiga Matthijs De Ligt oo ay sidoo kale Barcelona doonayso ama daafaca Leicester City ee Harry Maguire.

Xilli uu Fernandinho gaadhay 34 jir tababare Pep Guardiola ayaa doonaya xiddig khadka dhexe ee daafaca ah waxana uu tababaruhu doonayaa xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Rodri.

Marka laga hadlayo weeraryaan cusub tababaraha ayaa bartilmaameedsaday xiddiga kooxda Benfica ee Joao Felix iyo weeraryahanka kooxda Eintracht Frankfurt ee Luka Jovic.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*