WARBIXIN: Man United Oo 3 Xiddig Ku Bixinaysa 125 Milyan Si Ay U Xoojiyaan Kooxda

Kadib xilli ciyaareed Fashil ah kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay lacag fiican ku taageerto tababareheeda si uu dib u dhis weyn ugu sameeyo kooxda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhawaan furmi doona si uu u diyaariyo koox xilli ciyaareedka dambe u tartami karta horyaalka premier League.

Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay 45 milyan oo euro ugu dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda Lille ee Nicolas Pepe marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Pepe ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 21 gool sidoo kale caawiye ka noqday 12 kale soona jiitay indhaha kooxaha Man United, PSG iyo waliba Arsenal.

Xilli uu shaki ku jiro mustaqbalka Romelu Lukaku Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa suuqa ugu jira 23 jirka kaas oo ka ciyaari kara garabaha weerarka iyo waliba weerarka tooska ah.

Xiddiga kale ee ay Man United doonayso ayaa ah xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda PSG ee Adrien Rabiot kaas oo aan u ciyaarin kooxda PSG tan ilaa bishii December ee la soo dhaafay.

Rabiot ayaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG waaxana uu si xor ah uga tagi karaa kooxda xagaaga xilli uu sidoo kale xiiso ka helayo kooxaha Juventus iyo chelsea.

Waxa sidoo kale diirada u saaran tababare Ole xiddigaha Declan Rice oo u ciyaara West Ham iyo daafaca reer England ee u ciyaara kooxda Crystal Palace ee Aaron Wan-Bissaka.

Kooxda Man United oo sidoo kale si weyn u doonaysa daafac cusub in ay ku soo darto kooxdeeda ayaa doonaysa saxiixa xiddiga daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly

kaas oo diirada u saarnaa tan ilaa markii uu jose Mourinho tababaraha u ahaa kooxda Man United.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*