WARBIXIN: Saddex Sababood Oo Cadaynaysa In Uuna Antoine Griezmann Munaasib Ku Ahayn Barcelona

Antoine Griezmann ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagi doono kooxda Atletico Madrid kadib 5 sano oo uu soo joogay kooxda waxana si weyn loola xiriirinayaa kooxda Barcelona oo la filayo in ay u dhaqaaqdo inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagam.

Barcelona ayaa Antoine Griezmann doonaysay adeegiisa xagaagii hore laakiin xiddiga ayaa heshiis cusub u saxiixay kooxda Atletico Madrid taas oo keentay in uu xilli ciyaareedkan sii joogo Atletico.

Antoine Griezmann ayaa haatan la filayaa in uu noqdo xiddig Barcelona ah inta lagu jiro xagaagan iyada oo Barcelona isku diyaarinaysa in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisa.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 3 Arimood oo cadayn u ah in uuna Antoine Griezmann Munaasib ku ahayn kooxda Barcelona.

1.Waxa uu Ka Ciyaaraa Booska Lionel Messi:

Antoine Griezmann ayaa ka ciyaara weeraryahanka 2-aad marka uu u ciyaarayo xulka qarankiisa France iyo waliba kooxdiisa Atletico Madrid waana booska uu Lionel Messi haatan Barcelona uga ciyaaro.

Booskaas ayaa ah midka ugu fiican Antoine Griezmann sidii uu ku ciyaaray koobkii adduunka isaga oo ka garab ciyaarayay xiddiga Giroud waxana uu dhaliyay 4 gool halka uu caawiye ka noqday 2 kale.

Laakiin Hadii uu Barcelona ku biiro waxa uu ku qasbanaan doonaa in uu ka ciyaaro weeraryahank toos ah sida No.9 ama garabka waana laba boos oo uuna ku fiicnayn.

2.Antoine Griezmann Ma Ahan Gool Dhaliye La Isku Halayn Karo Mana Buuxin Karo Booska Suarez:

Hadii ay Barcelona iyo Ernesto Valverde ka fikirayaan in ay Antoine Griezmann ku badalaan Suarez waa go,aan xun maadaama uuna xiddiga reer france ahayn xiddig gooldhaliye ah oo xilli ciyaareedkii kooxda u dhalin kara 25 gool, xilli ciyaareedkan Antoine Griezmann ayaa dhaliyay kaliya 19 gool oo ay waliba 3 ka mid ah ahaayeen rikoodhe iyo 3 laad xor ah.

Sidaas darteed ma helayo rikoodhe iyo laad xor ah hadii uu Barcelona yimaado maadaa uu Lionel Messi kuwaas isagu laagto xilli ciyaareed kasta.

Hadii ay Barcelona doonayso in ay Hehso Weeraryahan No.9 ah waa in ay isaga hadho Antoine Griezmann una dhaqaaqdo xiddiga wacdaraha dhigaya ee Luca Jovic.

3.Hooska Lionel Messi:

Xulka qaranka France iyo Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa ahaa xiddiga 1-aad ee kooxda isaga oo ay kooxdu kaga dambaysay wax walba xilli aan dusha laga saari jirin masuuliyada difaacashada maadama uu yahay xiddiga 1-aad ee kooxda.

Laakiin Ku Biirista Barcelona ayaa ka dhigaysa in uu ku jiro Hooska Lionel Messi oo ah xiddiga ugu fiican kooxda taas oo ka hor istaagaysa wax walba oo uu ka helayay kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka France.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.