Wayne Rooney: Waa Aqabali Karaa In Ay Liverpool Ku Guulaysato Champions League Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah

Halyeeyga Kooxda Man United ee Wayne Rooney ayaa sheegay in uu aqbali karo fikirada ah in ay kooxda Liverpool ku guulaysato tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa finalka tartanka champions League xilli ciyaareedkan la ciyaari doonta kooxda Tottenham kulan ka dhici doona Caasimada Madrid 1 bisha June ee soo socota.

Reds ayaa iska xaadirisay finalka champions League xilli ciyaareedkii 2-aad oo xiriir ah kadib markii ay sanadkii hore koobka u wayday kooxda Real Madrid guuldaro 3/1 ahna kala kulantay.

Rooney oo la hadlaya United Extra ayaa yidhi” Waan Aqabali karaa in ay Liverpool ku guulaysato champions League”.

“Sababta oo ah waxa ay horay ugu soo guulaystay 5 jeer oo hore in ay mid 6-aad ku guulaysato ma ahan dhib weyn”.

“Laakiin in ay Liverpool ku guulaysato horyaalka ma ahayn mid aan aqbali karay”.

Kooxda Liverpool ayaa kaalinta 2-aad kaga dhamaystay horyaalka prmeier League xilli ciyaareedkan iyada oo hal dhibic ka dambaysay kooxda Man City ee ku guulaystay horyaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*