Xiddig Chelsea U Ciyaara Oo Doonaya In Uu Qaato Lambarka Eden Hazard Ee No.10 Marka Uu Xiddigu Ku Biiro Real Madrid

Eden Hazard ayaa chelsea ku qaadanaya maalmihiisii ugu dambeeyay isaga oo si aad ah ugu dhaw in uu ku biiro kooxda Real Madrid kuwaas oo doonaya in ay ku dhawaaqaan adeega xiddiga marka ay chelsea ciyaarta finalka tartanka Europa League.

Da,yarka Callum Hudson-Odoi ayaa haatanba lagu soo waramayaa in uu maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo Lambarka No.10 marka uu Hazard ka tago kooxda Chelsea xagaaga.

Xiddiga reer Belguim ayaa 100 Milyan oo euro ugu biiri doona kooxda uu hogaamiyo tababare Zinedine Zidane kaas oo isku shaandhayn ku samayn doona kooxdiisa xagaaga.

Shabakada Caalamiga ah ee Goal.com ayaa sheegaya in uu xiddiga Callum Hudson-Odoi doonayo in uu qaato Lambarka No.10 ee uu Eden Hazard Banayn doono xilli ciyaareedka dambe.

Da,yarka ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira isaga oo looga yeedhay xulka qarankiisa England xilli uu Sarri kulamo ciyaarsiiyay xilli ciyaareedkan.

Callum Hudson-Odoi ayaa xiiso waali ah ka helaya kooxaha Bayern Munich iyo Borussia Dortmund laakiin Blues ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddig.

Xiddiga ayay u badantahay in uu sii joogi doono kooxda Chelsea xilli ciyaareedka dambe waxana uu dalbaday in la siiyo Lambarka No.10 marka uu Hazard ku biiro Real Madrid xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*