Zaha, Sanchez, Wan-Bissaka, Van Aanholt, Higuain & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxaha reer yurub haatanba bilaabi doonaan sidii ay ugu dhaqaaqi lahaayeen xiddigaha ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxdooda xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo la furi kara xiddigaha iyo waliba kooxaha ay ka doonayaan si ay u dhamaystiraan adeegooda

Hadaba waxa aan qaab maalin kasta ah kooxda.com idiinku soo gudbin doonaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyada.

Waxa xusid mudan in ayna kooxda.com wax masuul ah ka ahayn wararka hoos ku qoran laakiin aanu ka soo xiganay wargaysyada ku hor xusan.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Crystal Palace ee Wilfried Zaha ayaa kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda si uu u raadsado koox champions League ka ciyaaraysa xilli uu xiiso ka helayo kooxda chelsea laakiin Palace ayaa dul dhigtay madaxiisa lacag dhan 80 milyan (Mail).

Kooxda Juventus ayaa wadahadalo la furtay kooxda Man United oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Alexis Sanchez kaas oo sidoo kale xiiso ka helaya Inter Milan (Independent).

Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay 50 milyan oo euro ka bixiso xiddigaha garbaha daafaca uga ciyaara kooxda Crystal Palace ee Aaron Wan-Bissaka Iyo Patrick Van Aanholt (Sun).

Kooxda Man United ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Swansea City ee Daniel James (London Evening Standard).

Kooxda chelsea ayaan qorshaynayn in ay si toos ah ula wareegto xiddiga Gonzalo Higuain waxana ay dib ugu diri doontaa Juventus kadib Finalka Europa League (Mail).

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay shaqada ka caydhin doonto Maurizio Sarri xitaa hadii uu kooxda kula guulaysto Europa League iyaga oo isha ku haya tababaraha Watford ee Javi Cracia oo ay u doonayaan badalkiisa (Express).

Kooxda Barcelona ayaa ku kalsoon in ay dhamaystiri doonaan saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann (London Evening Standard).

Kooxda Real Madrid ayaa si lama filaan ah isugu diyaarinaysa in ay 75 milyan oo euro ku dalbato xiddiga weerarka uga ciyaara Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang si ay ugu badalaan Gareth Bale (Sun).

Kooxda Man United ayaa 40 Milyan oo euro ku dalbanaysa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lyon ee Moussa Dembele (Sun).

Kabtanka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt ayaa qirtay in uu wali ka fiirsanayo dookhiisa ugu fiican ee uu ku biiro xagaaga (Team Talk).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*