Zinedine Zidane & Florentino Perez Oo Khilaaf Soo Kala Dhex Galay, Pogba & Eriksen Ayaa Sabab U Ah

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa haatanba khilaaf la galay madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Perez.

Zidane ayaa ku soo laabtay Real Madrid bilowgii sanadkan isaga oo shaqada ka badalay Santiago Solari 9 bilood kadib markii uu isaga tagay kooxda Real Madrid.

Tababaraha reer France oo Real Madrid ku hogaamiyay saddex champions League oo xiriir ah ayaa kooxda ku soo biiray kadib markii loo ogolaaday in uu maamuli doono kooxda dhanka suuqa.

Taas ayaa la macno ah in uu qaadan doono go,aanka kama dambaysa ah ee suuqa kala iibsiga kooxda Real Madrid.

Zidane ayaa doonaya in uu dib u dhis ku sameeyo kooxda xagaaga waxana uu doonayaa xiddiga khadka dhexe kooxda Man United ee Paul Pogba.

Tababare Zidane ayaa rumaysan in uu xiddiga ay isku dalka yihiin kooxda ku soo kordhin doono qaab ciyaareed fiican xilli uu Pogba qirtay in ay ku biirista Real Madrid tahay riyo uu ku riyoon jiray ilaa yaraantiisii.

Laakiin Zdane ayaa doonaya in uu 160 Milyan oo euro ku keeno kooxda xiddiga Paul Pogba halka uu madaxweynaha Real Madrid doonayo in uu kooxda keeno xiddiga kooxda Tottenham ee Christian Eriksen.

Kubad sameeyaha ayaa kooxda Tottenham ku hogaamiyay finalka champions League waxana uu heshiiskiisa haatan dhici doonaa xagaaga 2020 xilli uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*